Af-Soomaali - Somali

Dembi joojiyayaashu waxay ku dhiirgeliyaan dadka inay la wadaagaan waxay ka ogyihiin dembiga aan la xalin ama ficilada laga shakiyi karo – iyaga oo aan sheegayn cidda ay yihiin.

Maaha inaad ka tagto gurigaaga faahfaahintaada shakhsiyeed, telefoonkaaga lama daba galo, haddii aad macluumaad ku soo qorto online-ka, cinwaankaaga Ip-ga lama diiwaangelinayo.

Dembi joojiyayaashu waa urur madax banaan oo faaiido ma doona kuwaas oo la shaqeeya bulshada, warbaahinta iyo booliiska.

Ilaa intii aanu ka bilawnay Fiktooriya 1987, waxaanu hellay in ka badan hal milyan oo tilmaamood oo laga hellay bulshada waxayna keentay in la xiro dad ka badan 25,000.

Tilmaamahaagu waxay caawimaan in la aqoonsado laababka daroogada, qabashada kuwa fikaday oo la raadinayey waxaa la xaliyey xaditaan iyo dhicid, waxaana la qabtay dembiilayaal loo haystay rabshad dagaal iyo kuwa dad dilay.

Wac 000 isla markiiba haddii dhacdadu tahay mid keenaysa halis nafeed, una baahan tahay in booliis yimaado isla markiiba, dembi ayaa hadda dhacaya, ama dembiile joogo ayaa (ama laga yaabaa) inuu joogo agagaarka.

Wac 131 444 haddii aad tahay dhibane dembi si aad tan ugu sheegto booliiska.

Haddii aad aragto wax,
haddii aad wax ogtahay,
wax ka dheh!

Kheyraadka Kale

La wadaagida waxaad ogtahay Joojiyayaasha Dembiga ee Fiktooriya (Crime Stoppers Victoria) marna ma ahayn wax degdeg ah ama sahlan  

Ka warbixinta maclumaadka dembiga marna ma ahayn wax sahlan muuqaalka cusub ee websaytka Dembi Joojiyayaasha Fiktooriya. 

U dhaqaaqida dadweynaha ee xagga adeegyada online-ka ah waxay macneheedu tahay dad aad u badan ayaa dooranaya inay ku wadaagaan macluumaadkooda dembiga online-ka. Laga soo bilaabo 2017 xogta tirada dembi joojiyaasha ayaa siyaaday isku celcelis ahaan 20% sanad walba. 

Habka cusub ee nadaamka warbixinta wuxuu isticmaalaa macquuliyad shardi leh, iyada oo uu go’aaminayo su’aallaha mustaqbilka oo ku salaysan macluumaadka qofku bixiyo.

Waxaa aan isbedelini waa Dembi Joojiyayaasha da’daalkooda qarsoodiga ah. Dhamaan xogaha dembi joojiyayaasha, ma aanu doonayno in aan ogaano qofkaad tahay, keliya waxaad ogtahay ayaan rabnaa.

In kasta oo macluumaadku yahay mid aan la qiimayn karin, faahfaahinta ugu yar ayaa caawin karta xalinta dembiga. Sarkaalka Madaxa Fulinta ee Dembi joojiyayaasha, Stella Smith ayaa tiri, “maaha inaad 100% hubto xogtaad u gudbinayso Dembi joojiyayaasha (Crime Stoppers). Haddii ay kaa dhigtay inaad shakido, waxaa kugu filan inaad noo sheegto.”

Maalin walbaa waxay u keentaa waxyaalla cusub Crime Stoppers-ka, dadweynuhuna waxay la wadaagaan waxyaalla ku saabsan dembiyo kala duwan, kuwaas oo ay jiraan kuwa isticmaala wadooyinka khatarta ah, hubka sharci darada ah, dilalka iyo samaynta iyo ku qaybinta daroogooyinka bulshada dhexdeeda. Sanadihii ugu dambeeyey dembiya waaweyn  ayaa keenay in reer Fiktooriya ay ku soo qulqulaan xarunta wicida ee Crime Stoppers-ka iyo websaytka iyaga oo u sida macluumaad baarayaasha.

In kasta oo barnaamijku ka hellayo taageero siyaada ah dadweynaha, wadaagida dhacdooyin guul leh ayaa ah kuwa loolan leh. Stella Smith ayaa tiri, “ka go’naanta qarsoodinimada macneheedu waxa weeye kayska xaallad walba waxaa loola tacalaa inay leedahay daah ka qaadida qof. Haddii dembiiluhu ogyahay in booliiska loo sheegay iyada oo la wacayo Crime Stoppers-ka, taas ayaa laga yaabaa inay ku filan tahay inay ogaadaan qofka wicida sameeyey mana ogolaan karno in taasi dhacdo.” 

Si loo xaqiijiyo inay u sahlan tahay reer Fiktooriya la wadaagista macluumaadka, nadaamka werinta warbixinta ee cusub wuxuu isticmaalaa tusaalayaal waxaana loo bedelaa luqado ay ka mid yihiin Mandarin, Hindi iyo Carabi.  

Muuqaalka cusub ee websaytka ayaa weli guri u ah ololaha amaanka bulshada iyo Tabaha khuseeya ka hortagga dembiga si looga fogaado noqoshada dhibane dembi. 

Websaytka Crime Stoppers Victoria ayaa isaguna ah goob dadweynuhu ay ku ahaan karaan dambi baare iskiis ah. Websaytku wuxuu muujiyaa boqolaal muuqaal booliisku u baahan yihiin in la aqoonsado. Dadka reer Fiktooriya ayaa dhexmushaaxi kara muuqaaladaan moobaylkooda lana wadaagi kara Crime Stoppers waxay ka ogyihiin. Qayb kasta oo yar oo macluumaad ah wuxuu caawimaa in Fiktooriya ahaato amaan.

Websaytka cusub waxaa lagu dhisay kharajka Wasaarada Cadaalada iyo Amaanka bulshada. “Intuu qaado iyo amaanka bartaan ayaa ahayd mid ka awood weyn urur faaiido ma doon ahi wuxuu samayn karo kelidiis, sidaas darteed kaalmada Xukuumada reer Fiktooriya ayaa ka waynayd wax walba, sidaas waxaa tiri Stella Smith. 

URL-ka goobtu isma bedelin: crimestoppersvic.com.au, Crime Stoppers Victoria ayaa soo dhowaynaya macluumaadka iyada oo laga soo wacayo 1800 333 000.

Baaqyada loo hibeeyey Wasiirka Booliiska iyo Adeegyada Xaaladaha Degdegta ah Lisa Neville

“U soo sheegida xarakaadyada shakiga leh Crime Stoppers-ka maaha keliya caawimida booliiska iyada oo la beekhaaminayo waqti aad u badan iyo macluumaad, waxay kaloo caawintaa in bulshada reer Fiktooriya amaan noqdaan.”

“Macluumaadka xubnaha bulshadu ay ku siiyeen Crime Stoppers ayaa u hogaamiyay in Booliska Fiktooriya qabtaan in ka badan 26, 000 oo qof ayna dembi ku soo oogeen 100, 000 ilaa waqtigii la asaasay sanadii 1987.”

Baaqyada loo hibeeyey Wasiirka Dib-u-sixida Cadaalada Dhalinyarada, Ka-hortagga Dembiga iyo Kaalmada Dhibanayaasha Natalie Hutchins (Minister for Corrections, Youth Justice, Crime Prevention and Victims Support Natalie Hutchins).

“Waxaan ku dhiirigelinayaa dhamaan dadka reer Fiktooriya inay isticmaalaan adeegaan cusub ee ka socda Crime Stoppers-ka si ay u caawimaan wanaajinta amaanka bulshadooda.  

 “Luqadu marna maaha inay ahaato caqabad si loo soo sheego dembi. 

“Sida aan ognahay in aan awoodno in aan ka warbixino dembi si qarsoodi ah waxay u tahay muhiim bulshada, iyada oo 70 boqolkiiba dadka la soo xiriira Crime Stoppers ay doortaan inay ahaadaan lama-yaqaan. 

Crime Stoppers Victoria acknowledges and pays respect to the past, present and future Traditional Custodians and Elders of this nation and the continuation of cultural, spiritual and educational practices of Aboriginal and Torres Strait Islander peoples.

Crime Stoppers Victoria (ABN 15 006 945 151) is endorsed as a Deductible Gift Recipient. Donations of $2 or more to Crime Stoppers Victoria are tax deductible in Australia.
Scroll to Top